The Somali Diaspora

Follow SDSI On Twitter

twitter Follow SDSI on Twitter

.
Tuesday 07th of September 2010    

Home Somali News XAFLADDII SOO DHAWEYNTA GUDDOOMIYAHA URURKA SDSI EE LODON
XAFLADDII SOO DHAWEYNTA GUDDOOMIYAHA URURKA SDSI EE LODON PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Wednesday, 26 May 2010 00:14

Waxaa maanta oo Axad ah 05/16/10 lagu qabtay magaalada London ee dalka UK xaflad weyn oo lagu soo dhaweynayey Guddoomiyaha ururka qurbajoogta Sade ee SDSI mudane Cabdinuur Sh Cabdisalaam Aw-Maxamuud iyo xubnna kale oo ka tirsan guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee ururkaba Kulankaan oo ay jaaliyadda London si weyn u soo agaasintay ayaa ahaa mid in mudda ahba loo toog hayey oo ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeedda gobolka Gedo, Galgaduud, iyo Jubbooyinka  indhaha ku hayeen ayaa ahaa mid lagu kala warqaadanayey gaar ahaanna looga xogwaramayey hadafka iyo waxqabaka ururka SDSI ee kal hore lagu asaasay magaalada Columbus, Ohio ee carriga Maraykanka.

 

Kulankan oo ahaa kulankii abid jaaliyadaasi si buuxda ay uga soo qayb gasho oo dad boqolaal kor u dhaafaya ay soo buux dhaafiyeen madashii kulanka, ayaa ku bilwday jawi deggan oo aad u wanaagsan iyadoo lagu furay aayado quraan ah iyo wacdi la isku xusiinayo muhimadda midnimada iyo wadajirka.Intaa ka dib waxaa madasha ka hadllay oo erayo soo dhaweyn ah oo si qalbi furan iyo farxadi ku dheehantahay halkaas ka soo jeediyey qaar ka mid odayaashii, waxgaradkii, iyo hooyooyinkii shirka ka soo qayb galay. Waxaa ugu horrayn isagoo ku hadlaya codka madax dhaqameedka jaaliyadda halkaas ka soo jeediyey erayo dhaxalgal ah oo baraarujin iyo xoojinta midnimada mudane Axmed Sheekh Xuxeen. Waxaa kaloo iyaguna madasha hadallo soo dhaweyn ah ka soo jeedieyey ruug caddaaga caanka ah ee Khaliif Ashkir Diini Xoosh sidii looga bartay guubaabo iyo hadallo qiira leh soo bandhigay. Mudane Adam Cilmi Warsame oo ka mid waxgaradkii erayada soo dhaweynta ka qayb qaatay ayaa isna muujiyey sida uu ugu qanacsan yahay soo dhaweynta ururka SDSI.

Dhanka ururada haweenka,waxaa iyaguna halkaa ka hadlay oo si diiran oo kal iyo laaba usoo dhaweeyey xubnahaas ururka SDSI iyagoo ku hadlaya codka ururka haweenka jaaliyada Soomaaliyeed ee kasoo jeeda goboladaas aan kor kusoo sheegnay, Hooyo- Faadumo Xasan Maxamed(Jaraafo), hooyo Aamino Warsame Kilinbo, iyo hooyo Nuuro Caanood oo looga bartey suugaan iyo murti dhaxal gal ah oo guubaabo xambaarsan,

Waxaa isna isagoo ku hadllaya magaca dhallinyarada iyo aqoonyahanna London erayo qiima badan oo dareenka bulshada kiciyey kulanka ka sooo jeediyey Dr.Maxamed Xasan Cali (Stateman). Dr. Stateman wuxuu ugu baaqay jaalilyadda ka soo jeeddda gobolladaan in ay midoobaan isagoo xusay in la gaaray xilligii laga bixi lahaa walaahowga oo tubta toosan la qaadi lahaa.

Xubnihii SDSI ee madash ka hadlay waxaa ka mid ahaa Eng.Guuleed Cali Xasan, oo ah xubin firfircoon oo ka tirsan ururka SDSI oo hadalo kooban oo aad u nuxur u leh oo qiiro ku abuuray kasoo qayb galayaashii halkaas ka jeediyey. Waxaa asna halkaas ka hadlay mudane Faarax  Diiriye Awal oo ka tirsan guddiga fulinta ee ururka isla markaaana ah aasaasayaashii ururka. Mudane Faarax Diiriye oo dhinaca kalana ka mid ah odayaasha ku nool dalkan ingiriiska ayaa warbixin qayma leh halkaas kasoo jeediyey.Faarax wuxuu xusay inay lagama marmaan tahay in dadkeenu fahmo meesha waxa yaalo inaysan ahayn xukun doon balse ay tahay sidii loogu midoobi lahaa wax u qabadka dadkeena ku nool gudaha wadankii Soomaaliya,taasoo cid kasta looga baahanyahay inay ka qaybqaadato. Mudane Cabdi Cisman Nuur oo isna ka mid ah ururka SDSI ayaa soo warbixin qiima badan xambaarsan ka baxshay ujeedda ururkii lagu yegleelay dalka Maraykanka.

Intaa ka dib waxaa codbaahiya si toosa loogu wareejiyey sawaxan iyo sacab dabadeed gudoomiyaha ururka SDSI  mudane C/nuur Sheekh Cabdisalaam Aw Maxamuud oo ahaa xubintii ugu sareysay ururka SDSI oo dadweynuhu sugi la`aayeen warbixinta iyo qodbada uu halkaas kasoo jeedin doono xiiso badanna loo qabay. Guddoomiyuhu wuxuu  halkaas kasoo jeediyey qudbad iyo warbixin meelo badan taabanaysa isagoo ka warramay marxaladaha uu soo marey ururka SDSI ee kal hore lagu aas-aasey magaalada Colombus  Ohio ee dalka Maraykanka kaasoo ahaa urur loo abuuray inuu matalo Qurba joogta jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolada Gedo,G/gaduud iyo Jubooyinka. Mudane Cabdinuur wuxuu si faahfaahsan uga warbixyey hadafka dhow iyo kan fog ururka SDSI.

Warbixintii guddoomiye C/Nuur ma ahayn mid halkaan lagu soo koobi karo iyadoo ahayd mid taabanaysa dhinacya badan, haseyeeshee waxay ahay mid soo jiidatay dareenka dadweynihii madasha isugu yimid kuna abuurtay rajo iyo farxad aan la soo koobi Karin.

Ka dib khudbaddii guddoomiya oo socotay muddo ka badan saacad ayaa  dadweynihii madasha kasoo qayb galay su`aalihii ay ugu soo tala galeen inay weydiiyaan waxay intii badnayd noqotey midey dib u liqaan,kadib markey wax turxaan iyo dulduleelba leh laga waayey,su,aalo kooban ka dib waxaa hadalkii qaatey masuuliyiin culculus oo jaalliyada kuwa ugu miisaanka badan ahaa waxaana ka mid ahaa: Cabdi xoosh ashkir,Yuusuf Cali Siyaad (Taaxug) Dr.C/qaadir Gaandaa, Dr. Maxamed Warsame (Marshaale),Col. C/llaahi Jaamac (Dhagaweyne),ND- Cabdi Muuse (Xongor),Maxamed Cabdi Cumar, iyo waxgarad kale oo aad u fara badan oo aan halkaan lagu soo wada koobi karin oo dhammaantood qaaday dariiqa wanaagsan ee lagu gaari karo horumar iyo isfaham horseed ka noqon kara sidii lagu gaari lahaa ulajeeddada dhabta ah ee beeshu higsanayso.

Gabagabadii,kulankaan oo ahaa kulan aad loo soo agaasimay laguna tilmaamay kii ugu dad iyo qadarin iyo kala danbeyn badnaa ee abid ka dhaca magaalada london oo jaaliyadaasu ku yeelato, ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey jawi aad u qurux badan iyo is fahan aan lasoo koobi karin, iyadoo shacuur farxadeed laga dheehan karo wejiyada kasoo qayb galayaashii madasha isugu yimid

Last Updated on Friday, 28 May 2010 13:31
 

Add comment

bottom

Copyright © 2010 Somali Diaspora                                                                                                                                                                                                                                     Site built by SDSI Media